Dagaal saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

Talaado, 1, Sep, 2009 (HOL): Dagaal xooggan oo ay duqeyn qeyb ka ahayd ayaa saaka wuxuu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasna uu dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo  Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Inta la xaqiijiyay khasaaraha dagaalka madfac ku dhacay meel aan u dheereyn Isgoyska Howl-wadaag ayaa wuxuu geystay dhaawaca afar ruux, waxaana sidoo kale la soo sheegayaa in ay jireen madaafiic kale oo ku dhacayay xaafado ka tirsan Degmada Howl-Wadaag iyo weliba Suuqa Bakaaaha.

Dagaalkan saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho wuxuu bilowday kaddib markii xoogagga ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamo Ilaalo u ah Xarunta Madaxtooyada, kuwaasi oo ku sugan meel u dhow Isgoyska Sayid.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo duqeymo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana dagaalladaas inta badan ka dhasha dhimasho iyo dhaawac soo gaara dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo iyagoo guryahooda iska jooga ay ku habsadaan madaafiic aan loo meel dayin.

Ugu dambeyntiina, dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan mas’uuliyiin u hadlay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen in ay kordhin doonaan dagaallada ay uga soo horjeedaan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya