RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “ Haddii wax dhibaato ah soo gaaraan Saraakiisha Faransiiska ee Muqdisho lagu af-duubtay waxaa mas’uuliyadda arrintaas qaadaya Xisbul Islaam”

Khamiis, 16 July 2009(HOL): Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu soo gaaray war sheegaya in saraakiishii faransiiska ahaa ee lagu af-duubtay magaalada Muqdisho maalmo ka hor ay kala qeybsadeen Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in haddii arrintaas ay jirto ay tahay mid khatar ah, wuxuuna ugu baaqay kooxaha heysta raggaas in ay si shuruud la’aan ku sii daayan, “ Haddii wax dhibaato ah soo gaaraan Saraakiisha Faransiiska ah ee Muqdisho lagu af-duubtay waxaa mas’uuliyadda arrintaas qaadaya Xisbul Islaam” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay dowladda Soomaaliya si weyn uga xun tahay falka af-duubka ah ee loo geystay saraakiishaas Faransiiska u dhashay oo Muqdisho u yimid in ay dhinaca amniga talooyin ka siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii kooxo hubeysan oo la sheegay in ay ku labisnaayeen dharka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Hotelka Saxafi ka af-duubteen labo Sarkaal oo Faransiiska u dhashay, iyadoo kooxihii saraakiishaas af-duubtayna ay u gacan geliyeen Ururka Xisbul Islaam.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya