Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo eedeyn u jeedisay Hay’adda WFP

Khamiis, July 16, 2009(HOL): Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa eedeyn u jeediyay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, iyadoo Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ay Hay’adda WFP ku eedeeyay in ay iska horkeeneyso sida uu yiri mujaahidiinta ku sugan Gobolka Gedo.

Sarkaalka eedeynta u jeediyay WFP oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamed Aadan Qalbi oo u warramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulamo ay Gobolka Gedo ka wadaan saraakiil Hay’addaas ka socda ay yihiin kuwo sharci darro ah oo ay Hay’adda ku dooneyso in ay dhibaato uga abuurto Gobolka Gedo.

C/qaadir Qalbi waxaa uu ugu baaqay WFP in ay faraha kala baxdo arrimaha Gobolka Gedo, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax kaalmo ah oo ay si toos ah u soo gaarsiisay dadka ku dhibaateysan Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda WFP ayaa Gobolka Gedo waxay kulamo kula qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo talada Gobolka Gedo wax ka haya, iyadoo Xisbul Islaam iyo WFP-na ay isla gaareen in ay sii waddo Hay’adda WFP howlaha ay ugu samafaleyso dad badan oo ku dhibaateysan gobolkaas.

Waxaa muuqata in Ururrada Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ku wada sugan Gobolka Gedo aysan isku waafaqsaneyn Shaqada ay WFP ka heyso Gobolka oo meelo ka mid ah laga sheegayo dad tabaaleysan oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada Xisbul Islaam iyo WFP oo ku saabsan hadalka uu sii daayay sarkaalkan ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ah in ay Hay’adda WFP iska horkeeneyso xoogagga ku sugan Gobolka Gedo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya