Madaxweyne Rayaale oo magacaabay Wasiirro cusub

Madaxweynaha Somalilanad-Daahir Rayaale Kaahin
Khamiis, 16 July 2009 (HOL): Madaxweyne Rayaale ayaa Digreetooyin uu soo saaray xilka kaga qaaday laba Wasiir oo Xukuumaddiisa ka tirsan, isla markaana Xilkii ay hayeen Masuuliyaantaasi u magacaabay Wasiiro cusub. Sidoo kalena, waxa uu M/weyne Rayaale Wasiir cusub u magacaabay Jagada xidhiidhka Golayaasha oo uu hore uga geeriyooday Wasiirkii hore ee xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buunni.

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha gaarka ah ee M/weyne Rayaale Axmed Maxamed Ciise, Madaxweynuhu wuxuu xilkii Wasiirnimo ka qaaday Wasiirada Madaxtooyada Nuur Ammiin Ismaaciil iyo Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax. Waxaanu halkaa u magacaabay Wasiiro cusub.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray Afar Digreeto Madaxweyne oo isugu jira Xil ka qaadis iyo Magacaabis.

Digreetooyinkaasi Madaxweyne ee isugu jira Magacaabis iyo xil ka qaadis waxa ay kala yihiin sidan:-

1-Madaxweynuhu waxa uu xilkii Wasiirnimo ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga Mudane, Cismaan Qaasim Qodax, isla markaana waxa uu Wasaaradda Ganacsiga u Magacaabay Madaxweynuhu Mudane, Abiib Xasan Fil-fil in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga.

2-Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xilkii Wasiirnimo ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane, Nuur Aamin Ismaaciil, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu faray in uu si ku meel gaadh ah xilka ugu wareejiyo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Xasan Axmed Ducaale inta cid loo soo magacaabayo.

3-Waxa kale oo uu Madaxweynuhu u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Mudane, Xuseen Caynaan Faarax oo uu ka geeriyooday Ilaahay ha u Naxariistee Marxuum Cabdi Xasan Buuni. Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu masuuliyiintaasi xilka loo magacaabay faray in ay sida ugu dhakhsaha badan xilka ula kala wareegaan.”

 Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland