Khamiis, 17 july 2009 (HOL): Ururka Dimuqraadiyadda Somaliland ayaa Warsaxaafadeed uu saaray ku cambaareeyay xadhiga Xukuumadda Somaliland kula kacday laba Suxufi oo ka tirsan Idaacadda Radio Horyaal ee xarunteedu tahay Hargeysa.
Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
“Ururaka SDWO waxa uu canbaareynayaa islamarkaana ku tilmaamayaa talaabo xad gudub ah qaabka iyo sifaha Xukuumadu xoriyadoodii uga qaadey labada Suxufi ee katirasan Idaacada Radio Horyaal,Sayid Cismaan Mire iyo Axmed Saleebaan Dhuxul,Waxey Xukuumadu u martey xadhigoodu sifo aan sharci aheyn taas oo debreysa nidaamka Dimuqraadiyada iyo Xuriyatul-qowlka ay Somaliland ku faanto iyadoo, aanay arintani mar kaliya dhicin haseyeeshee,caado u noqotey Xukuumada Somaliland oo inta badan marka arin ay masuuliyadiisa iyadu laheyd ay doorkeedii ka gaabiso,marka danbe cadhadii ay halkaa ka qaadey kula dul dhacda sida dhacda inta badan Warbaahinta Maxaliga ah,oo laga yaabo in ay markii horeba bulshada Reer Somaliland usoo qadintey masuuliyad darada meesha ama goobta ka jirta haseyeeshee,Xukuumadu sida caadada u ah inta ay mowduucyadaasi dhegaha ka fureysato,oo ay ka gaabiso howshii ay ku laheyd marka danbe cadaadis,caga-jugleyn,cabudhin,hadidaad,iyo xadhig kula kacda Saxaafada madaxa-banaan ee ka howl gasha dalka qeybaheeda kala duduwan.
Mar labaad SDWO waxa uu si adag u canbaareynayaa xadhiga iyo habdhaqanka foosha xun ee Xukuumadu kula kacdey labada saxafi ee katirasan Idaacada Radio Horyaal,oo aan xadhigooda loo marin sifo sharciya iyadoo, ay habeenkii labaad ku xidhan yihiin Xarunta CIDda ee Magaalada Hargeysa waxeyna habdhaqankaa foosha xun ee Xukuumadu ku caadeysatey xadhiga Suxufiyiintu ay ka hor imaneysaa nidaamka Dimoqraadiyada iyo Xuriyatul-qowlka Somaliland ku caana-maashey.
Si kastaba ha ahaatee, xadgudubyada iyo tacadiyo masuuliyiinta hay’adaha dawladdu kula kacaan suxufiyiinta ayaa durba bannaanka soo dhigay in dalka Somaliland lagu sunto meelaha xagudubyada ugu badan loogu geysto weriyeyaasha, gaar ahaan kuwa ka hawlgala warbaahinta xorta ah, arrintaas oo u muuqata mid bar madow ku noqota mustaqbalka rajada Somaliland ka sugayso beesha caalamka.
Hadaan saxaafada xorta ahi jirilahayn, xukuumada wax dabri lahaa muu jireen oo cida qudha ee ay iska ilaalisaa waa saxaafada xorta ah oo had iyo jeer soo bandhigta wixii talo guracan ah ee ay masuuliyiinta xukuumadu ku talaabsadaan, maadama baarlamankii la doortay aanu lahayn awood uu xukuumada ku hor istaagikaro.
Ugu denbeyntii SDWO waxa uu Xukuumada usoo jeedinyaa in ay ilaaliso sumcada iyo doorka Dimuqraadiyada ka hirgashey Somaliland islamrkaana, ilaaliso xuquuqda xuriyatul-qowlka iyo kan Saxafiyiinta muwaadiniinta ah ee maalin walba loo joogteeyey xadhiga iyo dhibaatooyinka cadaadiska ah ee ku xidhiidhsan habdhaqankii kalitelisnimo,waxananu ka delbeynaa Xukuumada Madaxweyne Rayaale anagoo dhinacyo badan ka ilaalineyna arimo badan oo utun u ah qadiyada Somaliland in ay si degdeg ah xoriyadoodii ugu soo celiso labadaa saxafi ee ka tirsan Idaacada Radio Horyaal”.
Long Live Somaliland
Somaliland Democracy Watch Organisation - To Promote Democracy in Somaliland
Guuleed Cabdi Sheekhash – Gudoomiyaha SDWO
Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiya ku xigeenka SDWO
Sir Shiine Cilmi Kaahin – Xoghayaha Guud ee SDWO”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland