Khamiis, July 16, 2009(HOL): Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismayo ayaa maanta soo xiray dad lagu soo eedeeyay in ay iibinayeen mukhaadaraadka xashiishada loo yaqaano iyo kuwo istimaalayeyba.
Dadkaan oo gaaraya illaa 6 qofood ayaa isugu jira 4rag ah iyo 2dumar ah oo dhamaantoodba ku eedaysan mukhaadaraadka xashiishada oo hore looga madnuucay magaalada Kismaayo tan iyo intii ay qabsadeen maamulka Islaamiga ah ee hadda ka taliya magaalada.
Maamulka ayaa sheegay in ay dadkaan marsiinayaan waxa ay Shareecada Islaamka ka qabto isla markaana la keeni doono beerta xoriyadda ee magaalda Kismaayo lagu fulin doono waxa ay shareecada ka qabto maalinnimada Jimcada ah ee inagu soo aadan.
Waxaana ay maamulku uga digeen dadka kudhaqan magaalada Kismayo in ayna isku dayin ka ganacsiga mukhaadaraadka maandooriyaha ah oo loo yaqaano xashiishadda sidoo kalana ay ka qayb qaataan sidii looga taqalusi lahaa waxyaabaha xun xun oo caynkaan oo kale ah oo saameeynta ku yeelanaya bulshada dhexdeeda,
Mana ahan markii ugu horraysay oo dad lagu soo eedeeyo ka ganacsiga mukhaadaraadka horraantii sanadkaan ayey ahayd markii dad lagu soo eedeeyey ka ganacsiga mukhaadaraadka xashiishada lagu fuliyey xukun tacshiir ah taas oo ka dhacday fagaaraha beerta xoriyadda magaalada Kismayo ee xarunta Jubbada hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo soomaaliya
Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Kismayo oo soo xiray dad lagu soo eedeyey iibinta Waxyaabaha Maanka dooriya
More News
- RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “ Haddii wax dhibaato ah soo gaaraan Saraakiisha Faransiiska ee Muqdisho lagu af-duubtay waxaa mas’uuliyadda arrintaas qaadaya Xisbul Islaam”
- Ciidamadii Itoobiya oo dib uga laabtay deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan
- Duqeyn dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Qiimaha la kala siisto kalluunka lagu Iibiyo Suuqyada Magaalada Kismaayo oo sare u kac uu ku yimid
- Wasiir ka tirsan Xukuumadda Itoobiya oo Mareykanka iska dhiibay
- Madaxweyne Rayaale oo magacaabay Wasiirro cusub
- Xukuumadda Somaliland oo ku hawlan sidii ay u xidhi lahayd Hay’adaha Warbaahinta Madaxa bannaan
- Ururka Dimuqraadiyadda Somaliland oo cambaareeyay xarigga Suxufiyiinta Radio Horyaal
- Uruka Xisbul Islaam oo sheegtay in uu hayo saraakiishii Faransiiska ahaa ee maalmo ka hor Muqdisho lagu af-duubtay
- Maamulka Gobolka Banaadir oo kala diray Shaqaalaha Dowladda Hoose
- Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo eedeyn u jeedisay Hay’adda WFP
- Guri uu Degmada Guriceel ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo Bambo Gacmeed lagu weeraray
- Shirkii taageerada loogu raadinayay Dowladda Soomaaliya ee Nairobi ka socday oo la soo gebagebeeyay