Khamiis, July 16, 2009(HOL): Qiimaha la kala siisto Kalluunka Suuqyada Magaalada Kismaayo ayaa waxa ku yimid sare u kac ballaaran kaddib markii dabeylo Xooggani ay ka bilowdeen Badweynta ay ka Kalluumeysan jireen Doonyaha yar yar ee ku shuqulka leh wax soo saarka dhinaca Badda.
Waxaana yaraaday gabi ahaanba Kalluunkii faraha badnaa ee la keeni jiray Suuqyada Magaalada Kismaayo, waxaana ay taasi keentay in halkii Kiilo ee Kalluunka ah oo hore u ahaan jiray 50,000 Sh.So. uu Hadda gaaray 100,000 Sh.So.
Ganacsatada ka shaqeeya Suuqa Kalluunka oo ay maanta HOL la kulantay ayaa sheegay in ay marxalado adagi soo food saareen kaddib markii ay shaqada ka fariisteen Doonyaha Shiraaca ah iyo kuwa Matoorrada ah oo ka shaqeynayay Badweynta.
Kalluunka waxa uu ka mid yahay Lafdhabarta dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin Dad badan oo ku dhaqan Gobolka J/hoose, kuwaasi oo had iyo jeer dhibaatooyin la kulma marka la gaaro Dabeylaha Xooggan ee Xagaaga, kuwaasoo keena shaqo la'aan soo wajahda Dadka ay Noloshoodu ku xiran tahay Dhinaca Badda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa sare u kacaan Kalluunka uu ku soo beegmayaa Xilli aysan wax shaqa ah oo fiicani aysan ka socon Dekedda weyn ee Magaalada Kismaayo oo inta badan uu ku xiran yahay Dhaqdhaqaaqyada la xiriira Nolosha Dadka ku dhaqan J/hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo Soomaaliya
Qiimaha la kala siisto kalluunka lagu Iibiyo Suuqyada Magaalada Kismaayo oo sare u kac uu ku yimid
More News
- RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “ Haddii wax dhibaato ah soo gaaraan Saraakiisha Faransiiska ee Muqdisho lagu af-duubtay waxaa mas’uuliyadda arrintaas qaadaya Xisbul Islaam”
- Ciidamadii Itoobiya oo dib uga laabtay deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan
- Duqeyn dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Wasiir ka tirsan Xukuumadda Itoobiya oo Mareykanka iska dhiibay
- Madaxweyne Rayaale oo magacaabay Wasiirro cusub
- Xukuumadda Somaliland oo ku hawlan sidii ay u xidhi lahayd Hay’adaha Warbaahinta Madaxa bannaan
- Ururka Dimuqraadiyadda Somaliland oo cambaareeyay xarigga Suxufiyiinta Radio Horyaal
- Uruka Xisbul Islaam oo sheegtay in uu hayo saraakiishii Faransiiska ahaa ee maalmo ka hor Muqdisho lagu af-duubtay
- Maamulka Gobolka Banaadir oo kala diray Shaqaalaha Dowladda Hoose
- Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo eedeyn u jeedisay Hay’adda WFP
- Guri uu Degmada Guriceel ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo Bambo Gacmeed lagu weeraray
- Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Kismayo oo soo xiray dad lagu soo eedeyey iibinta Waxyaabaha Maanka dooriya
- Shirkii taageerada loogu raadinayay Dowladda Soomaaliya ee Nairobi ka socday oo la soo gebagebeeyay