Khamiis, July 16, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in uu kala diray Shaqaalaha Dowladda Hoose, iyadoo kala diristaasna uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur.
Dhagaxtuur waxaa uu sheegay in sababta ay u kala direen shaqaalihii Dowladda hoose ay tahay iyadoo uu xumaaday amniga Magaalada Muqdisho, isla markaana aysan suurtagal ahayn inay shaqaalaha sii shaqeeyaan.
“Waxaa kaliya sii shaqeynaya Xogheynta iyo Shaqaalaha kale ee xafiisyada ka shaqeeya, inta kalena waan kala dirnay waayo duruufta uu gobolka ku sugan yahay ayaanan u saamaxeynin in ay shaqeeyaan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur).
Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Xarunta Gobolka Banaadir ku soo qaxay Baarlamaanka Soomaaliya oo Kuraastiisii iyo Matoortii dab-dhaliyaha ahaa ka soo qaatay Xaruntiisii KMG ahayd ee Gaadiidka Booliska oo ay si aad ah ugu soo dhawaadeen Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya