Khamiis, 16 July 2009(HOL): Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa geeriyootay 10 ruux oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii madaafiic lagu garaacay xaafado ay ku sugnaayeen oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa waxay ku dhinteen Degmooyinka Shibis, Wardhiigley, Kaaraan iyo Xamar-weyne, waxaana guryahooda ugu tegay madaafiic habow ah. Marka ay madaafiicdan dhaceysay oo galabta ahayd ma jirin wax dagaal ah oo ka socday magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, waxaa maanta rasaas ku dhacday u geeriyooday madaxii shirkadda Isgaarsiinta NationLink ee W/Muqdisho marxuum Cumar Yaaqow, kaasi oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan sida ay xabadda ugu dhacday. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in marxuumka ay ku dhacday xabbad si bareer ah loogu toogtay, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay ku dhacday rasaas habwo ah.
Magaalada Muqdisho oo inta badan dadkii ku noolaa ay ka barakaceen ayaa waxaa ka dhaca dagaallo iyo duqeyn mararka qaarkood ah, taasi oo ay waxyeello ka soo gaarto dad rayid ah oo aan dagaalka wax lug ah ku lahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya