Khamiis, 16, July, 2009 (HOL): Muddo labo bilood ah kaddib waxaa maanta isaga guuray goobihii ay ka degnaayeen deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan Ciidamadii Dowladda Itoobiya sida ay HOL u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo gaadiidleyda isticmaasha wadada isku xirta Goballada dhexe.
Sidoo kale waxaa iyaguna halkaa isaga tagay Ciidamo Soomaali ah oo ku wehliyay deegaanka Kala-beyr kuwa Itoobiya, waxaana ay wararku sheegayaan ay u sii gudbeen waddada gasha Degmada Feer-feer ee dhulka ismaamulka Itoobiya.
Mudadii labada Bilood ahayd ee Ciidamadu ay daganaayeen deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan waxaa ay wadaan baaritaano la xiriira sugidda Nabad-galyada iyagoo mar marka qaarna Ciidamada wax ka yar 10-km u soo jirsan jiray Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan.
Dhinaca kale waxaa iyana xusid mudan in Magaalada Beledweyne ay ka baxeen Ciidamo wata gaadiidka dagaalka kuwaas oo loo maleynayo in ay dagayaan goobihii ay baneeyeen kuwa Dowladda Itoobiya inkastoo aan si rasmi arrintaa loo xaqiijin karin.
Lama oga in Ciidamadu dib u ugu soo laaban doonaan deegaanka Kala-beyr iyo in kale maadaama dhowr jeer oo hore maalmo kadib la arkay Ciidamada Itoobiya oo dib u soo dagay goobo markii hore ay baneeyeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Ciidamadii Itoobiya oo dib uga laabtay deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan
More News
- RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “ Haddii wax dhibaato ah soo gaaraan Saraakiisha Faransiiska ee Muqdisho lagu af-duubtay waxaa mas’uuliyadda arrintaas qaadaya Xisbul Islaam”
- Duqeyn dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Qiimaha la kala siisto kalluunka lagu Iibiyo Suuqyada Magaalada Kismaayo oo sare u kac uu ku yimid
- Wasiir ka tirsan Xukuumadda Itoobiya oo Mareykanka iska dhiibay
- Madaxweyne Rayaale oo magacaabay Wasiirro cusub
- Xukuumadda Somaliland oo ku hawlan sidii ay u xidhi lahayd Hay’adaha Warbaahinta Madaxa bannaan
- Ururka Dimuqraadiyadda Somaliland oo cambaareeyay xarigga Suxufiyiinta Radio Horyaal
- Uruka Xisbul Islaam oo sheegtay in uu hayo saraakiishii Faransiiska ahaa ee maalmo ka hor Muqdisho lagu af-duubtay
- Maamulka Gobolka Banaadir oo kala diray Shaqaalaha Dowladda Hoose
- Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo eedeyn u jeedisay Hay’adda WFP
- Guri uu Degmada Guriceel ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo Bambo Gacmeed lagu weeraray
- Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Kismayo oo soo xiray dad lagu soo eedeyey iibinta Waxyaabaha Maanka dooriya
- Shirkii taageerada loogu raadinayay Dowladda Soomaaliya ee Nairobi ka socday oo la soo gebagebeeyay