Uruka Xisbul Islaam oo sheegtay in uu hayo saraakiishii Faransiiska ahaa ee maalmo ka hor Muqdisho lagu af-duubtay

Khamiis, July 16, 2009(HOL): Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah Ururrada ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu hayo Saraakiishiis Faransiiska u dhashay ee maalmo ka hor lagu af-duubtay Magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da in saraakiishaas ay hayaan, isagoo ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin dheeraad ah.

Waxaa soo baxayay maalmahan warar sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay lacag boqolaal kun oo Doollar ah ay ku raadisay Saraakiishaas oo marti u ahaa, hayeeshee taasi kuma guuleysan dowladda, waxayna saraakiisha u gacan galeen Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya oo sheegaya in ay socdaan wada hadallo la doonayo in lagu sii deynayo saraakiishaas, kuwaasi oo u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Faransiiska oo dhinac ka soo wada jeeda iyo Kooxda heysata Saraakiishaas.

Saraakiisha la qafaashay oo ah kuwo dhinaca Mileteriga qaabilsan ayaa waxay Muqdisho u yimaadeen in ay Dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dhinaca Amniga, waxaana la qorsheynayay in ay dalka Jibouti ku soo tababaraan 500 oo Askari oo Dowladda Soomaaliya loo soo tababarayo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Faransiiska ayaa si weyn uga walaacsan sida uu noqon doono xaalka Saraakiishaas oo hadda gacanta ugu jira Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya