Khamiis, July 16, 2009(HOL): Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka jiray bandow ay ku soo rogtay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo gacanta ku heysa degmooyin dhowr ah oo gobolkaas ka tirsan.
Bandowgan ayaa waxaa Degmada Guriceel lagu soo rogay kaddib markii xalay guri ku yaalla Degmadaas oo uu deganaa sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca lagu tuuray Bambo gacmeed, taasi oo aan wax dhibaato ah geysan.
Taliyaha Ciidamada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee Degmada Guriceel ayaa sheegay in bandowgaas uu ahaa mid ammaanka degmada lagu sugayay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay soo qabteen dad looga shakisan yahay in ay qaraxaas ku lug lahaayeen.
Waxay ahayd markii ugu horreysay muddo 7 bilood ah oo ay Xoogagga Ahlu Sunna gacanta ku hayaan Degmada Guriceel oo Bambo gacmeed lagu weeraro, waxayna dad badan oo Degmada ku dhaqan ay is-weydiinayaan sida ay suurtagal ku noqotay in la soo dhexgalo Xoogagga Ahlu Sunna kaddibna weerar noocaas oo kale ah laga dhex fuliyo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii gudaha Degmada Guriceel lagu daadiyay warqado ka dhan ah maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee ka taliya Degmadaas, iyadoo kaddibna howlgallo ay sameeyeen Xoogagga Ahlu Sunna ay ku soo qabqabteen dad looga shakisan yahay in ay warqadaas daadiyeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya