Dagaal maalintii seddexaad ka socda Magaalada Kismaayo

Jimco, August 22, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in magaaladaas uu ka socdo dagaal maalintii seddexaad galay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalka maanta oo ka dhacay Xaafadaha Calanley, Somali Star iyo Via Af-madow uu dhexmarayo maleeshiyo Beeleed gacanta ku heysa Magaalada Kismaayo iyo Xoogagga Al-Shabaab oo dhawaanahan howlgallo ka waday Deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka.

Khasaaraha uu geystay dagaalkan ayaanan la ogaan karin sabab la xiriirta iyadoo la jaray Isgaarsiintii magaalada ka shaqeyn jirtay balse dagaalkii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo duleedyadeeda ayaa wuxuu  geysteen dhimashada 55 ruux, dhaawaca 150 ruux iyo barakac soo gaaray dad gaaraya 2000 oo ruux, waa sida ay ku warantay Hay’ad u doodda Xuquuqda Aadanaha oo Faanoole lagu magacaabo.

Madaxa Hay’addaas Cali Cabdullaahi Cigaal ayaa wuxuu Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in dadka dhintay, kuwa dhaawacmay iyo kuwa barakacayba ay u badan yihiin dadkii rayidka ahaa ee magaalada ku noolaa, wuxuuna caddeeyay in haddii aan dagaalkaas la joojin ay dhibataada intaas ka sii badan doonto.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid ka tirsan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo oo ka hadashay dagaalka maalintii seddexaad ka socda Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ka socda Magaalada Kismaayo oo maalintii seddexaad galay ayaa wuxuu bilowday kadib markii ay fashilmeen wada hadallo lagu dhexdhexaadinayay mas’uuliyiinta maamulka gacanta ku haya Magaalada Kismayo iyo Saraakiil horkaceysay Xoogagga Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia