Sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegatay aas-aaska Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ku beegan


Jimco, August 22, 2008(HOL): Waxaa maanta ku beegan sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 22-kii Agoosto 2004 lagu dhisay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Xuska Sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegatay Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa wuxuu soo beegmayaa iyadoo shantii sano ee la soo doortay Dowladda Federaalka uu ka harsan yahay sanad ku eg 22-ka Agoosto 2009, tiiyoo ay xusid mudan tahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu waqtigiisa ku soo qaatay saameyn uu ku yeeshay khilaafaad soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 Mudane ayaa wuxuu intii uusan ka soo guurin magaalada Nairobi ee lagu dhisay waxaa uu la kowsaday khilaaf gacan ka hadal gaaray, kaasi oo ay Xildhibaannada qaarkood kuraas isla dhaceen, kadibna wuxuu u soo kala guuray Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo ay xubnahiisa muddo 9 bilood ah ku kala sugnaayeen.

Khilaafkaas soo kala dhexgalay Xildhibaannada Baarlamaanka wuxuu keenay in Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaas Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaanno la socday oo u badnaa Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ay Muqdisho u guuraan, halka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihiisii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Xildhibaanno ku fikir ahaa ay iyana fariisin ka sameysteen Magaalada Jowhar oo 90km u jirta Magaalada Muqdisho.

Muddo 9 bilood ah oo ay Dowladda Federaalka labo u kala qeybsaneyd kadib madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa wuxuu ku guuleystay in uu xaliyo khilaafkii u dhaxeeyay madaxda sare ee Dowladda, waxaana Magaalada Sanca ee Dalka Yemen heshiis ku gaaray Madaxweyne Yuusuf iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaaka Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo qodobada ay ku heshiiyeen-na uu ugu muhiimsanaa qodob ku saabsanaa in Baarlamaanka Soomaaliya loo raro Magaalada Baydhabo, halkaasina uu ku shaqeeyo.

Tan iyo wixii ka dambeeyay 26-kii Febraayo 2005 wuxuu Baarlamaanka Soomaaliya si KMG ah ugu howlgelayaa Xaruntii ADC-da, halkaasi oo uu maanta ku xusayo sanadguuradiisii 4aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay.

Haddaba Xuska sanadguurada 4aad ee ka soo wareegatay aas-aaska Baarlamaanka Soomaaliya waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu khilaaf u dhaxeeyo madaxda sare  ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay haatan xalinta khilaafka u dhaxeeya ugu maqan yihiin Dalka Itoobiya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Mudanayaasha Baarlamaankana uu u dhaxeeyo muran salka ku haya khilaafka madaxda sare.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Soomaaliya oo ay u harsan tahay sanad kaliya ayaa waxay mudanayaashiisa inta badan qabaan in mudada u harsan Dowladda Federaalka laga shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo sidii loo heli lahaa dowlad loo dhan yahay kadib marka uu dhamaado waqtiga Dowladda Federaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia