
Jimco, August 22, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Ururka Muslimiinta ee dalk Britain.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynuhu, Madaxweyne Rayaale iyo Xubnaha Weftigan ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan. Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa maanta qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyay wefdi balaadhan oo ka socda ururada dadka Muslimka ah ee ku nool dalka Britain . Wefdigaasi ka socda dadka Muslimiinta ee Britain oo socdaal gaaban ku soogaadhay Jamhuuriyada Somaliland, kulankii maanta ay la yeesheen Madaxweynaha oo hadal kooban uu ka jeediyay Sheekh Abobakar oo ka mid ahculimada Maamusha Dugsiyada dadka muslimka ah ee dalka Britain qaar kamid ah, waxa uu sheegay in had iyo jeer warbaahinta ay ka maqlaan markala soo qaado Soomaali , Dagaal , Amaan Darro, Qax iyo Gaajo, hase yeesheemarkii ay yimaadeen Somaliland ay aad ula yaabeen in ay si weyn uga duwan tahay waxyaabaha laga sheego Soomaaliya, siiba Amaanka iyo xasiloonida.
Sheekhu waxa kale oo uu yidhi “Waxaanu si weyn ugu faraxnay dadka reer Somaliland fir-fircoonida iyo dedaalka balaadhan ee ay ugu jiraan sidii aydiintooda iyo dadnimadoodaba ay u hanan lahaayeen”, waxana uu u mahadnaqay Madaxweynaha , xukuumada iyo shacbiga Somaliland sidii fiicnayd eeloogu soo dhaweeyay Somaliland isaga iyo wefdigiisaba. Sheekh , Abobakar waxa kale oo uu iyana u mahad naqay Dawlada Britain, gaar ahaan Laanta Common Wealth-ka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo u fudaysay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, taas oo uu sheekhu sheegay in aanay noqon doonin tii ugu horeysay ee ay dalkan ku yimaadan. Sheekhu waxa kale oo uu ballan qaaday isaga iyo ururada kale Islaamka ee dalka Britain in ay ka caawin doonaan mustaqbalka soo socda Somaliland waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada Waxbarashada, Dib-u-Dhiska iyo taakulaynta dadka saboolka ah.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , oo isaguna hadalkooban oo soo dhawayn ah wefdiga u jeediyay , waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wefdiga ka socda ururada Islaamka ee dalka Britain oo markii ugu horeysay soo booqday Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu yidhi “Iyada oo ay nagu xeeran yihiin dalal badan oo Muslim ahi, in aanay jirin Wufuud nooga timid sida wefdigan ka yimi dalka Britain, taasi oo muujinaysa kalgacaylka iyo walaaltinimada Islaamka ee wefdigani ay u muujiyeen shacbiga Somaliland”.
Mar La waydiiyay Madaxweynaha Fariinta uu jecel yahay in uu u gudbiyodadka reer Somaliland ee ku nool Dalka Britain, waxa uu sheegay in uujecel yahay in ay kula noolaadaan dadyowga kale Nabad gelyo, Walaaltinimoiyo isdhex gal. Kulankaasi dhex maray Maanta Madaxweynaha iyo wefdiga ka socda Ururka Muslimiinta ee dalka Britain , waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiika Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , Wasiirka Diinta iyoAwqaafta Sh. Maxamuud Suufi iyo culimo kale oo ka socota Somaliland.”
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland