Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhinacyada ku dagaallamaya Magaalada Kismaayo ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan


Jimco, August 22, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda magaalada Kismaayo.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in dagaalka ka socda Magaalada Kismaayo uu yahay mid aan loo baahneyn, “Hadda oo ay Dadka Soomaaliyeed dhameynayaan Ciidamo Itoobiyaan ah ma ahan in aan is-dilno oo aan hub isu qaadanno, marka waxaan leenahay dhinacyada dagaallamaya dagaalka joojiya”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in xitaa haddii looga baahdo in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada dagaallamaya ay taasi diyaar u yihiin.

“Waxaan rajeyneynaa in ay dhinacyada dagaallamaya naga ogolaan doonaan baaqa dagaal-joojinta ah ee aan u direyno, isla markaana ay khilaafka u dhaxeeya wada hadal ku dhameysan doonaan”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif Shiikh Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Intaas kadib Shiikh Shariif waxaa uu ka hadlay dagaallo ay Ciidamada Itoobiya ku lug yeesheen oo ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dagaalladaas ay Ciidamada Itoobiya xasuuq dad rayid ah ku geysteen, “Maanta (Shalay) ayaa ugu dambeysay Ciidamada Itoobiya waxay Madaafiic ku duqeeyeen Dad Rayid ah oo ku cibaadeysanayay Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaala Suuqa Bakaaraha, halkaasna waxaa ku dhintay dad badan oo aan waxba galabsan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiya dad rayid ah ku dilaan meelo xurmo leh sida masjidyada oo kale.

“Beesha Caalamka waxaan u sheegeynaa in Ciidamada Itoobiya ay jebiyeen Qawaaniinta Caalamka ee ka degsan in la nabadgeliyo dadka ku jira meelaha lagu cibaadeysto sida Masjidyada oo kale, waxayna horay Dad aan waxba galabsan oo Masjid ku jiray ugu gowraceen Magaalada Muqdisho”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Dowladda Itoobiya ayuu Shiikh Shariif ugu baaqay  in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, wuxuuna u sheegay  in ay xumeyso Xiriirka derisnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, “Waxaan leenahay Itoobiya koleyba lama kala maarmi doono ee ha xumeynina xiriirka derisnimo ee ka dhaxeeya labada Dal”ayuuna hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ka hadlay Heshiiskii ay dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ku gaareen Dalka Jibouti, waxaana uu rajo ka muujiyay meel-marinta heshiiskaas, isagoo shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in nabadda taageeraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia