Wasiir cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland

Jimco, August 22, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ayaa shalay Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Dib-u-dejinta oo uu hore isaga casilay Wasiirkii hore.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynuhu, waxa uu M/weyne Rayaale u magacaabay Wasaaradda Dib-u-dejinta inuu Wasiir ka noqdo Maxamed Yuusuf Cismaan.

Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uumaanta u magacaabay Wasiir cusub Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland.    Madaxweynuhu , isaga oo tix raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka Somaliland, faqradiisa labaad, isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaarada Dib u Dejintu u leedahay dhismaha Qaranka waxa uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan. Madaxweynuhu isaga oo ku qanacsan kartida aqooneed iyo hufnaanta shaqo eeuu leeyahay Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu ku amray in sida ugudhakhsaha badan uu ula wareego xilka loo igmaday.”
 
Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland