Bam lagu weeraray Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Xarunta Maamulka Gobolka ee Magaalada Beledweyne

Jimco, August 22, 2008(HOL): Waxaa mar kaliya la maqlay qarax aad u weyn oo ka dhashay Bam lagu weeraray Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Xarunta Maamulka Gobolka ee Magaalada Beledweyne.
 
Qaraxa ayaa waxaa xigay rasaas aan loo meel dayin oo ay ridayeen Ciidamada Itoobiya, waxaana wararku sheegayaan in Bamka lagu weeraray Ciidamada uu dhaawac fudud ka soo gaaray mid ka mid ah Askarta Ciidamada Itoobiya, inkastoo aysan jirin  cid wax ku noqotay rasaasta ay rideen Ciidamada.
 
Qaraxyada iyo weerarrada is-daba joogga ah ee lagu qaadayo Ciidamada Itoobiya ayaa  maalmihii ugu danbeeyay waxaa ay ahaayeen kuwo caadi ka noqday Magaalada Beledweyne .
 
Maalin ka hor ayeey ahayd markii weerarro kan la mid ah lagu qaaday Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Xaafadda Buunda-weyn kaas oo sababay waxyeello soo gaartay dad rayid ah iyo qaar ka mid ah Askarta Ciidamada Itoobiya.
 
Dhinaca kale waxaa jira dadaal ay wadaan Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan  kaasoo lagu doonayo in ugu yaraan  Ciidamada Itoobiya lagaga raro goobaha shacabku ku badan yahay, sida Is-goosyada Magaalada iyo meelaha ay ka furan yihiin Meheradaha ganacsiga.
 
Waxaana la oran karaa haddii ay Odayaashu ku guuleystaan aritaas waa tallaabo horseedi karta kalsooni ku soo laabata dadka rayidka ah oo wal wal iyo cabsi intaba ka qaba qatarta mar walba ka dhalan karta Ciidamada difaaca kagaga jira goobaha muhiimka u ah adeegga dadweynaha.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia