Jimco, August 22, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in ay gacan ku heynta degmadaas la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay magaalada gacanta u gashay kadib markii uu maanta maalintii seddexaad dagaal ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo duleedyadeeda, kaasi oo ay Xoogagga Al-Shabaab la galeen Maleeshiyooyin Beeleedyo gacanta ku hayay Magaalada Kismaayo.
Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday dad 20 ruux ka badan, tiro kale oo intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo weliba ay jiraan dad badan oo magaalada ka barakacay.
Afhayeen u hadlay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay in ay gacan ku heynta magaalada Kismaayo la wareegeen, isla markaana ay ku sii daba-jiraan maleeshiyooyinkii dagaalka kala soo horjeeday.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mas’uuliyiintii gacanta ku hayay Magaalada Kismaayo kaasi oo ku saabsan dagaalka ay la galeen Xoogagga Al-Shabaab oo dhawaanahan howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia