Jimco, August 22, 2008(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa waxay soo dhaweysay heshiis ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay 18-kii bishan ku gaareen Dalka Jibouti.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo uu ku saxiixnaa ku xigeenka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Robert Wood ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay si weyn u soo dhaweyneyso heshiiska ay dhinacyada Soomaalida gaareen.
“Waxaan u mahadcelineynaa Dowladda Jibouti martigelinta wada hadalladan muhiimka ah, sidoo kalena waxaan u mahadcelineynaa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo isna fududeeyay wada hadallada labada dhinac dhexmaray”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Dibadda Mareykanka waxaa kaloo lagu sheegay in wada hadalladii Jibouti ay Dowladda Mareykanka u joogeen Diblumaasiyiin heer sare ah oo ka tarjumayay sida ay u taageersan yihiin geedi-socodka wada hadallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in ay taageersan tahay horumar deg deg ah oo laga gaaro in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya, hayeeshee waxa ay Soomaalida nabad-doonka ah ugu baaqday in ay taageeraan meel-marinta heshiiskii Jibouti.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia