Jimco, August 22, 2008(HOL): Waxaa laga soo dayrinayaa xaaladda Caafimaad Nin Ajnabi ah oo u dhashay Dalka Kuuriyada Koonfureed, kaasi oo kooxo Maleeshiyaad ah ay shalay ku dhawaaceen Magaalada Garowe ee Caasimada Dawlad Goboleedka Puntland.
Ninkaan Ajnabiga ah oo lagu Magacaabo Kingyong ayaa iminka la soo sheegayaa in xaaladdiisa Caafimaad ay tahay mid aad u liidata kadib markii rasaastii lala beegsaday ay ka haleeshay meelo halis ah oo jirkiisa ka tirsan.
Mid ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawl-gasha Isbitaalka uu ku jiro ruuxaan Ajnabiga ah ee u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa Saxaafadda u sheegay in loo baahan yahayin sida ugu dhakhsiyaha badan in Ninkani loogu celiyo dhulkiisi hooyo haddii kale ay xaaladdiisa caafimaad halis geleyso.
Kingyong ayaa muddo 15 casho ah daganaa hotelka Bandar Qaasim ee Magaalada Garowe, waxaana sida la sheegay uu u shaqaynayay NGO laga leeyahay Dalka Kuuriyada Koonfureed.
Maamulka DGPL ayaa Weerarkii ruuxaasi ajnabiga ah lagu dhaawacay ku tilmaamay in uu ahaa mid lagu khal khal gelinayay amniga guud ee deegaannada Puntland, isla markaana ay fuliyeen dad dano gaar ah leh, waxaana weerarkaan lagu dhaawacay Kingyong uu noqonayaa kii Afaraad oo muddo labo bil gudaheed ah loo gaystay Dad Ajaaniib ah.
Af-duubyada loo geysanayo Dadka Ajaaniibta ah ayaa Waqtiyadii ugu dambaysay Puntland ka noqotay mid caadi ah, iyadoo dhawr jeer oo hore uu maamulku sheegay in uusan tabar u heynin Burcadda Badda iyo waliba kuwa Berriga oo si aad ah u soo xoogeysanayay waqtiyadii ugu dambeeyay.
Magaalada Garowe oo ah Caasimadda Puntland ayaa dhawaanahan noqotay mid ay ka kalsooni baxaan dadka Ajaanibta ah ee doonaya in ay shacabka Puntland ay wax u qabtaan kadib falal amni darro ah oo Magaaladaasi ka dhacay.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia