Axmed Siilaanyo oo ka jawaabay hadal uu sii daayay Madaxweyne Rayaale

Jimco, August 22, 2008(HOL): Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa jawaab ka bixiyay soo-jeedin Madaxweyne Rayaale kaga dalbaday Jamacaddaha dalku inaanay aqbalin in xafladdahooda aan lagaga hadlin arrimaha siyaasadda, isla markaana hadalkaas wuxuu ku sheegay mid muujinaya siday Xukuumadu uga sii fogaanayso xuquuqda shacbigu u leeyahay inay ogaadaan hawlaha madaxdoodu ugu maqan tahay.

“Shalay (dorraad) hadal buu ka soo saaray Jaamacadihii. Jaamacaduhu waa meesha Xorriyaddu ka dhalato, dhaqdhaqaaqu ka dhasho, waa meesha dhalinyarada iyo fikirku ka dhasho. Madaxweynuhu wuxuu ka soo saaray waa in aan mar dambe Jaamacadaha la geyn Axsaabta oo aan laga ogolaan oo xaggee laga hadlaa. Maalintii dhawayd waad ogaydeen oo waa tii lagu orinayay, markaa jawaabtii waxay noqotay yaan mar dambe Jaamacadaha loo ogolaan inay sidaa sameeyaan. Xorriyaddii ayuu ka qaaday,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo daba joogay hadal uu Madaxweyne Rayaale ugu soo jeediyay Jaamacaddaha inaanay ogolaanin in Xafladahooda lagaga hadlo siyaasada.

Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Madaxweynaha xaq loogu leeyahay inuu Shacbiga uga xogwaramo xaaladaha dalku ku sugan yahay. Hase ahaatee, isaga oo tixraacaya dhawaaq hore Madaxweyne Rayaale uga soo yeedhay oo uu ku sheegay in aanu mar kasta oo uu dibada u baxo ama ka soo laabto Saxaafadda wax war ah siinaynin. Waxa uu ku tilmaamay hadalkaa Siilaanyo mid meesha ka saaraya xaq Shacbigu ku leeyahay hogaamiyahooda. “Madaxweynuhu dalka iyo dadka ayuu ka madax yahay, dibedda ayuu u baxayaa oo ummadda ayuu u maqan yahay. Xaq iyo waajib baa Shacabka iyo Qaranku ugu leeyahay hawshuu soo qabtay, lacagtuu kharash gareeyay ee uu Reerkiisii kaxaystay oo cid kale kaxaystay oo umad aan waxba haysan ayuu waxeedii ku dhoofay, hawl buu ku soo qabanayay. Inuu uga waramo oo uu u sheego oo shacabka waxa uu u soo qabtay, waxa uu u soo kordhiyey iyo waxa uu u soo waayay, shacbigu xaq buu ugu leeyahay. Wuxuu yidhi, anigu mar dambe u warami maayo oo Shacbiga u warami maayo. Haddaa maxaad waxayaga ugu dhooftay?” Ayuu yidhi Siilaanyo waxaana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana

“Aqoonsi-raadinta oo ah rabitaanka Shacbiga Somaliland, inkasta oo kulligeen aynu u wada xil saaranahay, haddana waxaynu u dhiibanay oo aynu u igmanay dawladda. Waad ogaydeen oo muddooyin badan Madaxweynaha ama Wasiiradiisu waqti kasta oo ay dibedda u baxaan, waxay yidhaahdaan bahalkii (aqoonsigii) baanu sidnaa. Imika horumar wayn ayay sameeyeen oo beentoodii ayay ka yaabeen, beryahaa miyaad ku maqasheen. Imika iska daaye, oo iyagiibaa yidhi waar ma wadi karno, anigu kuma maqal. Dhagxaantii Cabdillaahi Geel-jire sheegay ee Wershadihii la taag-taagi jiray ee Ina Rayaale dhagaxa dhigi jiray ee uu Ina Geel-jire yidhi, waar yaan dadku nagaga turanturoone naga qaada, beryahaa iyaga laftigoodii miyaad ku maqasheen? Waxaan u malaynayaa imika beentoodii iyaga ayaaba u adkaysan kari waayay oo ka xiiqay.”

Guddoomiyaha Kulmiye oo shalay ka qayb-galay dood lagu lafa-gurayay nooca isbedal ee dalku u baahan yahay oo Ururada Somaliland wadani iyo Afgarad ay ku qabteen Huteel Imperial ee Magaaladda Hargeysa, waxa uu si weyn uga hadlay talaabooyin uu sheegay in Xukuumaddu dhaqan ka dhigatay oo marka mid soo afgo’aba mid kale la abaabulo. “Ta imika ina haysata markaynu eegno, maalin Adhiilahaa Cirka loola baxayaa oo Xoolihiisii la qaadanayaa oo la boobayaa. Horta Dawladdu Xoolo ma laha ee dadweynaha ayaa leh, Madaxweynuhuna Qandaraas kuma bixiyo Xoolo aanu lahayn. Dawladdu nidaam iyo qorshe ayay samaysaa ee iyadu Qandaraas kuma gasho qof. Adhiilayaashii waa la dhacay oo waa halkii ugu dambaysay ee Shacbigaa la taaban lahaa..Markaad qof Xoolo u xidho wax alla wuxuu doono ayuu kaa siinayaa.. Ninka maanta iyada oo ascaartii oo kacday u soo dhigtay Xoolihii, waxa ka baxsan kari waayay Iskaraabkii oo Bulshada qayb ka mid ahi inagaga beegnaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye waxaana uu ku dooday in xukuumadii xilku ka saaraa inay hirgelso doorashooyinku ka masuul tahay dib u dhacyada, waxaana uu ku taliyay in la hubiyo in doorashooyinku ku dhacaan wakhtigii loogu tala-galay.

Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland