Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo sheegay in is-heysadka madaxda Dowladda Federaalka uu caqabad ku yahay nabadeynta Soomaaliya

Jimco, August 22, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo la hadlayay Jariidada Financial Times ayaa wuxuu sheegay in muranka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu caqabad ku yahay Nabadda Soomaaliya.

Seyoum Mosfen waxaa uu sheegay in madaxa Dowladda Federaalka ay la gudboon tahay in ay u tanaasulaan Malaayiin Soomaali ah oo qarka u saaran in ay ku dhacdo musiibo bani’aadannimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa uu intaas ku daray in madaxda dowladda ay iyaga isku mashquuleen intii ay qaban lahaayeen waxyaabihii looga baahnaa in ay qabtaan, wuxuuna caddeeyay in madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo haatan uu khilaafka u dhaxeeyo laga rabay in ay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka.

Mar uu ka hadlayay ammaanka Dalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu soo hagaagayo ammaanka, wuxuuna diiday in ay Soomaaliya ka dhacaan dagaal maalmeedyo la mid ah kuwa ka dhaca Dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Mar wax lag weydiiyay awoodda kooxda Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya kula dagaallama Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka waxaa uu sheegay in aaney Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab lahayn awood ay dagaal ku sii wadaan, “Ma joogteyn karaan awooddooda, iska daa in ay Dowladda Federaalka wiiqaane”ayuuna yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen.

Hadalka uu sii dayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiyaa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ay ku sugan yihiin seddex mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen, kuwaasi oo ay madaxda Itoobiya u yeereen kadib markii ay xalin waayeen khilaaf soo kala dhexgalay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia