Talaado, March 04, 2008(HOL): Madaxweynaha Somailand Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay kormeer kadis ah ku soo maray xarunta Miiska Saraakiisha ciidanka qaranka , ee Magaalada Hargeysa, iyo Madaark, waxana halkaasi ku qaabilay Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland, Gen Nuux Ismaciil Taani iyo Hoggaanada ciidankaasi.
Madaxweynaha Somaliland, oo kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay masuuliyiinta ciidamada , waxa uu xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo l a socday uu ku amray inay ka baxaan oo ay xafiis yadoodii u shaqo tagaan, waxaa nu yidhi “Wasiirada waxaan leeyahay waa inaad u shaqo tagtaan xafiisyadiina”.
Madaxweyne Rayaale, oo weriyeyaashii halkaasi ugu tagay la hadlayay waxa uu yidhi “Waaryaadhaheen qoladiinan Saxaafada iyo kamara'daysteyaasha wa xaan leeyahay i daaya, maanta waxaan wakhtiga la qaadanayaa oo aan ka mid noqonayaa Ciidanka Qaranka”.
Wasiirradii Madaxweyne Rayaale ku amray inay xafiisyadoodii u shaqo tagaan oo ay ka hadhaan waxay kala ahaayeen Wasiirada Madaxtooyada, Mudane Nuur Aamin Ismaaciil, Warshadaha, Md Maxamed Saleebaan [Ina Saleebaan Weyne] iyo Macdanta, Md Qaasim Sh Yuusuf Ibraahim.
Sidoo kale , masuuliyiintii xarunta miiska saraakiisha laga soo celiyay waxa ka mid ahaa Maaareeyaha Guud ee Telifishinka Qaranka, Maxamed Muuse Diiriye .
Madaxweynuhu waxa kale oo uu booqday Madaarka Magaalada Hargeysa Cigaal International Airport, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka duulista, hawada Cali Maxamed Warancade, isla la yeeshay kulan albaabadu u xidhanaayeen.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Madaxweynaha Somaliland, oo Kormeer kadis ah ku maray Miiska Saraakiisha iyo Madaarka Hargeysa
More News
- Somaliland iyo Ololaha la dagaalanka cudurka Dabeysha
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo caawa lagu weeraray qeybo ka mid ah Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha ee Magaalada Muqdisho
- Meydadka Dad Rayid ah oo 3 Maalmood kadib laga helay qeybo ka mi dah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho oo ay dagaallo ka dhaceen
- Qaadista Dacwadda loo heysto Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo loo wareejiyay dhinaca Maxkamadda sare ee Dalka
- Idaacadda Shabeelle oo dib u heshay Qalabkii ay ka qaateen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Xubno ka tirsan Guddiga Isboortiga Gobolka Hiiraan oo maalintii 8aad Xabsi ku jira
- SHIIKH MUKHTAAR ROOBOW ABUU MANSUUR: “Wax wada hadal ah la geli-meyno C/llaahi Yuusuf, mana hor-fariisaneyno xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiya baxaan”
- Dadka Degmada Dhoobley oo ka cabsi qaba in ay mar kale duqeeyaan Diyaarado Mareykan ah oo dul wareegeysanaya
- Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu is-casilo inta uusan fashilmin
- Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo saaka degan kadib maalmo ay xaaladdiisa ahayd mid aan xasilooneyn
- Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo ka warbixiyay kulamo uu gudaha Itoobiya kula soo qaatay Saraakiil Itoobiyaan ah