Talaado, March 04, 2008(HOL): Qaadista Dacwadda loo heysto Guddoomiyihii Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo muddo ka badan 6 bilood u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay Maxkamadda sare ee Dalka.
Avv. Xasan Diiriye Afrax oo ka mid Garyaqaannada difaacaya Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan in Dacwadda loo heysto labadaas Nin loo wareejiyo Maxkamadda sare, isagoo sheegay in dacwaddooda ay kaliya qaadi karto Maxkamaddaas.
Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow oo in muddo ah ku xirnaa xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxaa loo wareejiyay Magaalada Baydhabo oo la sheegay in ay ka bilaabaneyso dhegeysiga dacwadda loo heysto, iyadoo arrintaasina ay si weyn uga soo horjeesteen garyaqaannada u doodaya iyo weliba Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Cabdalla Boos Axmed, iyagoo sheegay in Maxkamadda Gobolka Bay aysan awood u lahayn qaadista Dacwaddaas.
Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow ayaa lagu soo eedeeyay qodobo ay ka mid yihiin Qaran-dumis, cadaalad darro iyo weliba lunsasho Mushaaraad ay lahaayeen Guddiga Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo Garyaqaannada u doodaya labadan eedeysane ay sheegayaan in ay eedeymahaas waxba kama jiraan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia