Talaado, March 04, 2008(HOL): Meydadka Dad Rayid ah oo ku geeriyooday dagaal 1-dii bishan ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho ayaa weli waxay yaalaan meelihii ay ku geeriyoodeen.
Ilaa afar Meyd ah oo isugu jiray Labo Dumar ah iyo Labo Rag ah ayaa waxaa saaka laga qaaday nawaaxiga Isgoyska Al-Baraka, kuwaasi oo qaarkood ay jirkooda cuneen Bisado iyo Eeyo kadib markii ay halkaas yaaleen muddo seddex maalmood ah.
Dadkaasi meydkooda la helay ee la aasay ayaa waxaa ka mid ahaa Nin lagu magacaabi jiray Cali Samatar Cigaal, kaasi oo qeybo ka mid ah jirkiisa ay bahalo cuneen, waxaana la sheegay in sababta ay Meydadkaas u yaaleen mudadaas dheer ay ahayd iyadoo la tegi waayay meesha ay ku geeriyoodeen sabab la xiriirta Ciidamada Itoobiya oo rasaas ku soo furayay qofka u dhawaada halka ay meydadkaas yaaleen.
Meydad kale ayaa la sheegayaa in ay yaalaan qeybo ka mid ah Wadada 30-ka, kuwaasi oo iyana ay maanta u tahay maalintii 3aad oo ay banaanka yaalliin, iyadoo la sheegayo in ay sidoo kalena Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah ay ku sugan yihiin halka ay meydadkaas yaaliin oo u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Al-Baraka, halkaasi oo ay Ciidamada ku sugan dhufeysyo ka sameysteen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo meydad laga helo qeybo ka mid ah Wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Cawo Idko iyo Al-Baraka, waxayna ahayd dabayaaqadii Bishii November ee 2007 markii dagaal halkaas ka dhacay uu sababay dhimasho soo gaartay dad badan oo rayid ah, kuwaasi oo ay ku jireen Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah, kuwaasi oo meydadkooda ay banaanka yaaleen muddo 24 Saacadood.
Dhanka kalena, Meydadka labo Haween ah ayaa saaka lagu arkay nawaaxiga Isbitaalka SOS ee Degmada Huriwaa, kuwaasi oo aan la ogeyn ciddii dishay ee meesha soo dhigtay, waxaana labadaas haweenka ah da’dooda lagu kala qiyaasay 25 iyo 30 sano jir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia