Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu is-casilo inta uusan fashilmin

Talaado, March 04, 2008(HOL): Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Cali Tima-Jilic)ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) in uu iska casilo xilka uu ka hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya inta uusan ku fashilmin dadaalka dib u heshiisiinta ah ee uu wado.

Cali Tima-jilic ayaa sababta uu baaqaas ugu dirayo Ra’iisal Wasaaraha ku macneeyay iyadoo aan la maqleynin hadalkiisa nabad-raadinta iyo dib u heshiisiinta ah, “Tan iyo markii la magacaabay Ra’iisal Wasaaraha wuxuu ku baaqayay wada hadal iyo dib u heshiisiin, waxaadse mooddaa in aan dadaalkiisaas laga taageereynin dhinaca Dowladda Federaalka waayo waxaad la socotaan wuxuu raaligelin ka bixiyay bililiqadii ay Ciidamada Dowladda ka geysteen Suuqa Bakaaraha, hadana wax yar kadib markii uu raaligelintaas bixiyay ayaa waxaa Suuqa Bakaaraha galay Ciidamo kale oo gudaha Suuqa dad ku dhibaateeyay”ayuu yiri Cali Maxamed Nuur (Cali Tima-Jilic).

Cali Tima-Jilic waxaa uu sheegay in ay u muuqato in aaney dad ku jira Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mas’uuliyiin ah ay dhibeyso dadaallada xal-doonka ah ee uu wado Ra’iisal Wasare Nuur Cadde, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha in uu isaga dhex baxo dadka aan xalka dooneynin iyo Beesha Caalamka, isla markaana uu iska casilo xilka uu hayo.

Dhanka kalena, Cali Tima-Jilic waxaa uu sheegay inay cambaareynayaan bililiqadii dhawaan loo geystay Suuqa Bakaaraha, taasi oo ay geysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay wax laga xumaado ahayd in la dhaco hanti ay leeyihiin dad shacab ah oo nolol maalmeedkooda ka raadsan jiray Suuqa Bakaaraha.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo dhawaan  u waramayay Laanta Afka ee Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in markii uu soo gaaray warka ku saabsan in bililiqo ka dhacday Suuqa Bakaaraha uu shir deg deg ah isugu yeeray xubnaha Golihiisa Wasiirrada iyo Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Federaalka, ugu dambeyntiina shirkaas lagu magacaabay guddi soo baara bililiqadii ka dhacday Suuqa Bakaaraha, si ciddii ku kacday sharciga loo hor-geeyo.

“Waan ka xunnahay bililiqadii ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ka geysteen Suuqa Bakaaraha, waana ka cudur-daaraneynaa dhibaatadii dhacday”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in ay jiraan Dad loo soo xiray bililiqadii ka dhacday Suuqa Bakaaraha, isla markaana  sharciga la hor-keeni doono ciddii kale ee ay arrintaas ku cadaato.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia