Xubno ka tirsan Guddiga Isboortiga Gobolka Hiiraan oo maalintii 8aad Xabsi ku jira

Talaado, 4, Mar 2008 (HOL)  Waxaa maalintii 8-aad xabsigga dhexe ee magaladda Beledweyne ku jira Xubno ka tirsan Gudigga Isportiga Gobalka Hiiraan oo dhawaan uu xiray Maamulka Gobalka kadib markii lagu soo eedeyay in ay ka been abuurteen Gudoomiyaha Gobalkan Hiiraan.
 
Ururadda u Dooda Xuquuqda Aadanaha iyo waliba qaar ka mid ah Jaaliyadaha dibada ayaa siweyn ugga xumaaday xarigga Xubnaha ka tirsan Gudigga Isportigga Gobalka iyagga oo ku tilmaamay xarigooda mid sharci daro ah,  waxaana ay ka codsadeed Maamulka Gobalka Hiiraan in sidda ugu dhaqsiyaha badan dib xuyadooda loogu soo celiyo.
 
Sidoo kale waxaa jira dadaal la dooyo in lagu sii daayo Xubanaha xiran oo ay wadaan Mas'uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed kuwaa oo u soo diray Gudoomiyaha Gobalka codsi lagu sii deynayo xubnaha xiran, waxaana uu xiriirku intaa ku daray in xarigga Xubnaha ka tirsan Gudiga uu wax u dhimi karo ka qeyb-galka Gobalka Hiiraan Caraayaha Gobaladda ee dhawaan la filayo in ay bilaawdaan.
 
Lakiin warar ka soo baxaya dhinaca Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in sii deysmada xubnaha xiran sharuud looga dhigay in marka hore la bixiyo lagaco ganaax taa oo ay ku gacan seyreen eheladda mas'uuliyiinta xiran kuwaa oo sheegay in aysan wax lagac ah ku bixin doonin sidii loo sii dayn lahaa.
 
Xubnaha xabsigga ku jira Maalintii 8 - aad ayaa waxaa ka mid ah C/laahi Bay oo ay u doorteen Gudigga Xabsigga la dhigay in uu noqdo Gudoomiyaha Isporitga Gobalka Hiraan, Cali Beerxaano,  Cumar Afyare,  Max'ed Keydsane Xuseen,  iyo waliba Gudoomiyaha Gudigga Isportiga Degmadda Buula-burte  Xeefoow kuwaa oo dhamaatood ka soo horjeeda Maamulka uu hogaamiyo Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow ) oo hadda ah Gudoomiyaha Gudigga Isportiga Gobalka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia