Talaado, March 04, 2008(HOL): Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhaxeysa Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo Xeradii Damaanyo ee Degmada Hodan ayaa waxaa lagu qaaday weerar loo adeegsaday qarax ka dhashay Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Qaraxan Miino oo ahaa mid aad u xoogganaa ayaa lala beegsaday Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo ay degan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo aan ilaa iyo haatanna la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas Miino sabab la xiriirta in halka uu qaraxa ku qabsaday ay tahay meel dadkii deganaa ay ka barakaceen.
Dhanka kalena, iska hor-imaad hubeysan ayaa caawa fiidkii waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Warshaddii Baastada iyo Warshadda Xeyla Bariise oo labadaba fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah.
Intii uusan iska hor-imaadkaas dhicin ayaa waxaa Xarumaha Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise lagu weeraray Madaafiic Hoobiyayaal ah oo tiradooda ku dhaweyd 10 madfac, iyadoo kadibna ay Ciidamada Itoobiyaanka ku jawaabeen Madaafiic kale oo xooggan.
Ilaa iyo haatan lama oga Khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka Caawa fiidkii ka dhacay qeybo ka mid ah Waddooyinka Warshadaha iyo 30-ka oo in muddo ah ahaa kuwo ay ka dhacaan iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Degmooyinka ku teedsan Waddooyinkaas ayaa waxaa inta badan ka barakacay dadkii deganaa, kuwaasi oo haatan ku nool degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir oo nabadgelyo ahaan dhaama kuwa ay ka barakaceen iyo weliba Deegaano u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo ay ku heyso xaalad nolol xumo ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia