Talaado, March 04, 2008(HOL): Idaacadda Shabeelle oo ka mid ah Idaacado seddex ah oo maalintii Sabtidii ahayd ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaateen qaar ka mid ah qalabkii ay ku shaqeynayeen ayaa maanta dib u heshay qalabkii laga qaatay.
Agaasimaha Idaacadda Shabeelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe ayaa sheegay in labo Mixer, Computer iyo Raadiye weyn oo ay Idaacadda lahayd dib loogu soo celiyay, wuxuuna sheegay in ay qalabkooda ka soo qaateen Xarunta Baarista Xisbiga oo markii hore la geeyay.
Mukhtaar Maxamed Hiraabe waxaa uu sheegay markii uu hubsaday in uu qalabka Idaacadda u dhan yahay uu saxiixay warqad uu ku caddeynayo in uu qalabkiisa ka qaatay Xarunta baarista Xisbiga, kadibna uu qalabkiisa sidaas ku soo qaatay.
“Waxaan u mahadcelineynaa Dadkii na soo dhaweeyay markii aan dib u soo helnay qalabkii ay Ciidamada naga qaateen, kuwaasi oo noo dul-qaadanayay intii ay Idaacadda hawada ka maqneyd”ayuu yiri Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo sheegay in Saraakiisha Nabad-sugidda ee ku sugan Xarunta Baarista Xisbiga ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen markii ay qalabka soo qaadanayeen.
Dhanka kalena, Idaacadda Simba oo iyadana Sabtidii aynu ka soo gudubnay laga qaatay qalab ay ku howlgeleysay ayaa iyadana waxaa dib loogu soo celiyay qaar ka mid ah qalabkii laga qaatay, iyadoo ay weli ka maqan yihiin Labo Computer oo mid Laptop yahay iyo seddex Camero oo mid ay tahay Camera Video, kuwaasi oo mas’uuliyiintii Idaacadda loo sheegay markii ay weydiisteen in la siiyo in ay la tageen raggii qaatay, laakin lagu raad-joogo, lagana soo qaadi doono.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxaa maanta hawada dib ugu soo noqday Idaacadaha Horn Afrik, Shabelle iyo Simba oo muddo labo maalmood ah hawada ka maqnaa kadib markii qaarkood laga qaatay qalabkii ay ku shaqeynayeen, halka kuwo kalena amar lagu siiyay in ay hawada ka baxaan, waxaana dib ugu soo noqoshadooda si weyn u soo dhaweeyay Dadka Muqdisho oo hela warar iyo macluumaad kala duwan oo ay u soo gudbiyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia