Talaado, March 04, 2008(HOL): Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Somaliland, Mudane Mahdi Cismaan Buuri, ayaa shalay si rasmi ah Huteel Summer time ee Magaalada Hargeysa uga dhawaaqay in Somaliland uu ka bilaamay Ololaha talaalka cudurka dabaysha, oo lagu wado in lagu talaalo carruur gaadhaysa 400 oo kun oo da’doodu ka hoosayso shan jir.
Olahan oo socon doona muddo sadex cisho ah, ayaa waxa fulintiisa iska kaashaday Wasaarada caafimaadka, Hay’addaha WHO iyo UNICEF.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka, Md Mahdi Cismaan Buuri, oo ka hadlayay xafladii furitaanka olalaha cidhibtirka cudurka dabaysha, ayaa ka waramay waxtarka talaalka, waxaanu yidhi “Olalaha talaalka ee soo noq noqonaya waxa looga jeedaa sidii dalka looga cidhib tiri lahaa cudurka dabaysha, oo sida kaliya ee lagu joojin karaa tahay carrurta oo la siiyo talaalka waayo ka hortag mooyaane ma laha dawayn.”
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Somaliland, waxa uu waalidiinta ugu baaqay inay carruurtooda talaalaan.
Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Dr Anwar Maxamed Cigge, ayaa isaguna ka waramay faa’iidada talaalka isla markaana waalidiinta ku booriyay inay ka faa’iidaystaan furasada talaalka ee guryahooda loogu keenay, waxaanu yidhi “Waxa talaalku ka mid yahay adeegyada caafimaad ee bulshada aanu wasaarad ahaan u hayno, waxana naga go’an sidii aan dalka oo dhan u wada gaadhsiin lahayn olalaha talaalka”.
Waxa kale,oo xafladaasi ka hadlay madaxa caafimaadka ee Haa’yada UNICEF, Cawil Xaaji Cali, oo sheegay in ay wasaarada caafimaadka kala shaqaynayaan xakamynta cudurka dilaaga ah ee dabaysha.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland