Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo ka warbixiyay kulamo uu gudaha Itoobiya kula soo qaatay Saraakiil Itoobiyaan ah

Talaado, March 04, 2008(HOL): Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee maamulka Puntland C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo maalmihii tegay ku maqnaa gudaha Dalka Itoobiya ayaa dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo kadibna qabtay shir jaraa’id oo uu kaga waramay waxyaabihii uu u tegay gudaha Itoobiya.

C/rashiid Dhuubane waxaa uu sheegay inuu Deegaanka Wardheer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu kulan kula soo qaatay Saraakiil Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen sugidda ammaanka xadka labada dal u dhaxeeya.

“Wada hadalladaas waxay ku soo dhamaadeen jawi is-afgarad leh, waxaana wada hadalladaas markoodii hore naga dalbaday Saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha Dalka Itoobiya”ayuu yiri C/rashiid Cali Xaashi Dhuubane.

C/rashiid Dhuubane oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo xil ka qaadis uu madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse uu ku sameeyay intii uu ku maqnaa gudaha Dalka Itoobiya waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo xil ka qaadistaas, isla markaana uu xilka ku wareejin doono Guddoomiyaha lagu bedelay oo lagu magacaabo Daahir Axmed (Daahir Af-low).

“Wax dhibaato ah uma arko xil ka qaadista uu igu sameeyay madaxweynaha Puntland, waana soo dhaweynayaa xil ka qaadista uu igu sameeyay, diyaar ayaana u ahay in aan xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland C/rashiid Cali Xaashi Dhuubane.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia