Talaado, March 04, 2008(HOL): Xaaladda Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa saaka waxay tahay mid degan kadib dhowr maalmood oo ay xaaladda Suuqaas ahayd mid cakiran oo aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin.
Inkastoo aan si rasmi ah loo wada furin goobaha ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha, hadana waxaa jira goobo ganacsi oo ay dadkii lahaa albaabada u balaqeen si ay ugu ganacsadaan, bacdamaa ay shaqo la’aan ahaayeen maalmihii aynu ka soo gudubnay.
Ma jiraan wax Ciidamo ah oo ku sugan gudaha Suuqa waxaana kaliya lagu arkayaa gudaha Suuqa Bakaaraha Dad badan oo isugu jira kuwo Suuqa u yimid in ay ganacsigooda dib u bilowdaan, kuwo alaabahooda raranaya iyo weliba dad soo booqanaya sida ay tahay Xaaladda Suuqa.
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii aynu ka soo gudubnay waxay gudaha Suuqa Bakaaraha ka geysteen bililiqo xooggan, taasi oo ay cudurdaar iyo raaligelin ka bixiyeen mas’uuliyiin ka tisan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Guddi soo baara u saaray bililiqadii Suuqa Bakaaraha ka dhacday.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa ku tiirsan nolosha Dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jira kuwo ganacsi kala socda ku leh iyo kuwo muruq-maal ah oo manaafacaadsada wixii maalintaas soo shaqeystaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia