Talaado, March 04, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ka cabsi qabaan in ay mar kale duqeeyaan Diyaaradaha Mareykanka ee dushooda ku noqnoqonaya, iyadoo qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Degmadaas ay bilaabeen inay qaxaan.
Cabsida soo wajahday Dadka ku dhaqan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay timid kadib markii habeen hore ay ku dhaceen guryo degmadaas ku yaala labo gantaal oo uu afhayeen u hadlay Gaashaandhigga Mareykanka sheegay in laga soo ganay Markab yaala Xeebta Soomaaliya ee ku aadan Gobolka Jubbada Hoose, inkastoo Dadka ku dhaqan Degmadaas ay moodayeen Madaafiicdaas in ay soo tuureen Diyaarado AC130 ah oo in muddo ah dul heehaabaya hawada Gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka oo lagu magacaabo Bryan Whitman ayaa sheegay in madaafiicda lagu duqeeyay Degmada Dhoobley ay ku dhaceen bartilmaameedkii loogu talagalay oo ahaa meel ay ku sugnaayeen sida uu yiri Dad Al-Qaacidda ah.
Afhayeenkan oo sii hadlayay waxaa kale oo uu sheegay in duqeyntaas loola dan lahaa Nin uu Mareykanka doon-doonayo oo lagu magacaabo Saleh Ali Saleh Nabhan oo Kenya u dhashay, kaasi oo loo heysto in uu ka dambeeyay duqeyn sanadkii 1998-kii loo geystay Safaarado uu Mareykanka ku lahaa Dalalka Kenya iyo Tanzania iyo weliba Qarax loo geystay Hotel u yaala Magaalada Mombasa oo lagu magacaabo Hotel Pradise, kaasi oo ay ku dhinteen 3 Ruux oo Israa’iil u dhashay iyo 10 Kenya u dhalatay.
Laakin Maxamed Amiin C/llaahi Cusmaan oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu u sheegay Jariidada New York Times in ay Gantaalladaas dhulka dhigeen guri ku yaala Degmada Dhoobley oo ku taala Koofurta Soomaaliya, isla markaana xad la leh Dalka Kenya, inkastoo uusan sheegin wax khasaare ah oo ay gantaalladaas geysteen sida Jariidadaas ay qortay.
Dhanka kalena, Dowladda Kenya ayaa markii uu soo baxay warkan ku saabsan in Mareykanka uu duqeeyay Degmada Dhoobley waxaa ay ciidamo dheeraad ah soo dhigtay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo aan haatan la ogoleyn inay dhinaca Soomaaliya looga gudbo Kenya, tiiyoo ay jiraan dad badan oo ka cararaya Dhoobley, isla markaana doonaya in ay galaan Kenya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia