4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2019
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyeyaal ciidan iyo guddoomiye gobolka

Sabti, June, 29, 2019 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa labo wareegto oo ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu magacaabay taliyaha iyo taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta, halka digreetada labaad lagu magacaabay maamulka gobolka Karkaar.

Madaxweyne Deni, ayaa u magacaabay taliyaha ciidanka difaaca ee Daraawiishta, S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere - waxaa taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka Daraawiishta loo magacaabay S/Guuto Axmed Cali Salaad.

Magacaabiista hoggaanka cusub ee ciidanka Daraawiishta ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dedaalada dib loogu habeynayo ciidammada Puntland.

Dhinaca kale, wuxuu isla maanta madaxweynaha Puntland, Saciid Deni magacaabay guddoomiyaha gobolka Karkaar iyo ku-xigeenkiisa,iyadoo Siciid Maxamed Faahiye loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Karkaar, halka Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Karkaar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]