4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2019
Kheyre : Waa in sharciga la horkeenaa cid kasta oo ka danbeysa dagaallada ka soconaya qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud

 

Sabti, June, 29, 2019 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa isaga oo ku sugan degmada Caabud-waaq soo hadal qaaday dagaallo dad badan ku dhinteen labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in iyadoo laga shaqeynayo hormar iyo dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug dhinaca kale dagaallo culus oo dad badan ku dhinteen  ka soconayaa sida uu hadalka u dhigay qeybo ka mid ah Galmudug iyo Hiiraan.

‘’Waxaan leeyahay odayaasha waxgaradka, iyo ciidamada in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalkaa loo joojiyo islamarkaana la soo qabto dadkii ka danbeeya lana horkeeno cadaallada si looga abaalmariyo dhibaatadii ay geysteen’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanno hoostaga deegaanno dhaca xadka labada gobol ayaa la rumeysan yahay in ay sababeen dhimashada dad ka badan 30 ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyadii ay dirirtu dhaxmartay, walina waxaa deegaanadaas ka jirta xiisad colaadeed mana jirto wax waan waan ah oo la doonayo in colaada lagu joojiiyo marka laga reebo baaqyo kala duwan oo loo dirayo dhinacyada dagaallamaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]