4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo la kulmay dhallinyarada degmada Caabudwaaq


Sabti, June, 29, 2019 (HOL) -  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan xildhibaanno deegaan doorashadoodu ay tahay Caabudwaaq iyo wasiirro ayaa gudaha Caabudwaaq ee gobalka Galguduud kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada.

Dhallinyarada oo kulanka su’aalo ku waydiiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale u jeediyay talooyin iyo tusaalooyin ka qayb qaadanaya horumarka iyo hagaajinta Mustaqbalka dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo dhallinyarada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen ayaa ku ammaanay dowrkooda dib-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada ugu bishaareeyay in dowladdu ay ku shaqaynayso aragtida mawaadiniinteeda Soomaaliyeed oo dhallinyaradu qaybta ugu wayn ka yihiin, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay is abaabulaan oo ay dhaliyaan isbedelka oo cid aan dhallinyarada ahayn lagu sugin isbedelka dalku u baahanyahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]