4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2019
Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulamo ka wada degmada Caabud-Waaq

 

Sabti, June, 29, 2019 (HOL) - Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabud-Waaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada.

Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowlad gobaleedyada dalka.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday bulshada ku nool Caabud- Waaq in dowrka uga aadan ay ka qaataan taaba gelinta doorashooyinka Galmudug iyo isu-dumidda bulshada si loo helo Galmudug nabad ah, wadajirta, lehna maamul loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa degaannada Galmudug ku jooga socdaal shaqo oo qorshihiisu yahay in Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]