4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2019
Maxamed Qanyare Afrax oo Muqdisho ku geeriyooday

Sabti, June, 29, 2019 (HOL) -  Waxaa saakay ku geeriyooday caasimadda Muqdisho, allaha u naxaristo Maxamed Qanyare Afrax oo horey usoo noqday xildhibaan iyo wasiir amni.Marxuun Maxamed Qanyare , ayaa muddooyinkii dambe ku xanuusana Muqdisho, wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii siyaasadda ee awoodda ku lahaa magaalada Muqdisho, waxaa lagu xusuustaa inuu xubin firfircoon kulahaa aas aaskii isbaheysigii la dagaallanka Argagixisda ee markii dambe ka adkaadeen Maxkamadihii islaamiga, isagoo dowladdii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya ka noqday Wasiirka Amniga Qaranka, sidoo kale waxaa uu ahaa Musharaxii saddexaad ee ugu codka badnaa doorashadii xilka Madaxweynaha ee Embaghatii ka dhacday sanadkii 2004.

Sannadkii 2012-kii markii Soomaaliya ka baxday ku meelgaarka ayuu  Maxamed Qanyare ka baxay siyaasadda, isagoo xilligaas ay xanuuno soo wajaheen, waxaa kursigii Xildhibaannimada uu ku fadhiyay beddelay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudane Maxamed Qanyare Afrax , wuxuu Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]