
Sabti, June, 29, 2019 (HOL) - Madaxweynaha dalka Marekanka, Donald Trump oo maanta lagu wado booqasho labo maalin ah inay uga billaabato magaalada Seoul ayaa sheegay inuu la kulmi doono hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
newsinsideBooqashada Trump ee Seoul ayaa looga golleeyahay sidii loo dhammaystiri lahaa heshiiska baabi'inta hubka nuclearka ee Kuuriyada Waqooyi, balse Trump ayaa martiqaad aan laga dalban u sameeyey Kim Jong-un.
Madaxweynaha Marekanka ayaa isagoo ka hadlayay shir madaxeedka G20 ee ka dhacaya magaalada Osaka, wuxuu suxufiyiinta u sheegay in subaxa Sabtida ah uu doonayo in salaam uu ugu tago oo ay is arkaan Mr Kim.
Kullanka waxaa la sheegay inuu ka dhici doono soohdinta militariga ka caaggan ee u dhexaysa Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed, iyadoo horey labada hoggaamiye ay u sheegeen kullamo goobo kala duwan ka dhacay , mana jirto heshiisyo mira-dhalay oo labada hoggaamiye ay hirgeliyeen ilaa hadda.
[email protected]