4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2019
Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacaawday Itoobiya oo gaaray Addis Ababa

 

Sabti, June, 29, 2019 (HOL) – Safiirka cusub ee dhawaan dowladda Soomaaliya u magacaawday dalka Itoobiya horeyna u soo noqday madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey ayaa gaaray magaalada Addis Ababa.

Safiirka ayaa horay waxaa u ansixiyay golaha xukuumadda Soomaaliya oo u magacaabay in uu noqdo safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Addis Ababa waxaa ku so dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan iyo Diblomaasiyiin Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in warqadihii Aqoonsiga Danjire-nimo uu u gudbiyo haweeneyda madaxweynaha ka ah dalkaasi Itoobiya.

Camey oo horey u soo noqday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa siweyn u taageersanaa dowladda Soomaaliya, marar badanna waxaa ay arintaa isaga horyimaadeen madaxewynihii dowlad gobolleedka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo siweyn u mucaaradsanaa siyaasada dowladda dhexe ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]