4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2019
Abiy Axmed oo magacaabay taliyeyaal amni

Sabti, June, 29, 2019 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa isbeddel ku sameeyay hay'adaha amniga ee dalkaas, isagoo magacaabay taliyeyaal ciidan.

Taliyaha ciidammada difaaca ayaa loo magacaabay, Jeneral Adem Mohammed oo beddelaya taliyihii hore ee la diley Jeneral Seare Mekonnen, halka taliyaha ciidammada Nabadsugidda loo magacaabay Demelash Gebremichael , isagoo beddelaya Jeneral Adem oo xilkaas hore u hayay.

Jen. Adem Mohammed taliyaha cusub ee ciidammada difaaca Itoobiya ayaa ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada halka Demelash Gebremikael uu yahay Oromo.

Isbeddelka ayaa ka dambeeyay markii toddobaadkii hore uu fashilmay afgembi ka dhacay maamulka Amxaradda ,iyadoo saraakiil ciidan iyo shaqsiyaad kale oo loo xiraf afgembigaa,kaaso dhaliyay in kor loo qaado amniga dalka Itoobiya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]