
Sabti, June, 29, 2019 (HOL) - Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa shaacisay duulimaadyo cusub oo ay ka samaynayso Garoowe iyo Boosaaso kuwaasoo billaaban doona 15 ka bisha July ee sannadkan 2019ka.
newsinsideJadwalka duulimaadka lambarkiisu yahay ET 0368 ayaa ku billaabanaya Boosaaso, waxaana ay diyaaradu Addis Ababa kasoo duulaysaa 11:30AM iyadoo Boosaaso fariisan doonta 1:35PM.Isla diyaarada oo rakaab ku dejinaysa Boosaaso kuwo kalana kasoo qaadaysa ayaa Garoonka Garoowe caga dhiganaysa 3:20PM.
Madaxa fulinta ee shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines Mudane Tewolde Gebere Mariam, oo ka hadlay duulimaadyada cusub ee ay ka billaabayaan Soomaaliya ayaa sheegay in tani muhiim u tahay horumarinta duulimaadyada Ethiopian.Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in arintani xoojinayso isku xirka dadka, dhaqaalaha iyo xiriirka siyaasiga ah ee labada dal.
Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa ah shirkadda ka mid ah kuwa ugu ballaaran ee Afrika oo isku xirta qaaradda iyo aduunka intiisa kale, waxay ka degtaa in ka badan 120 waddan.
[email protected]