4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2019
Qarax ciidamada Itoobiya lagula eegtay gobolka Hiiraan

 

Sabti, June, 29, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay kolayo ciidamo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen dhawaqa qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana uu jiri karo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararku sheegayaan in ciidamadu u diideen dadka in ay ka agdhawaadaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa markiiba sheegatay mas'uuliyada  oo ay sheegeen in ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada Itoobiya, hasse ahaatee ma jirto cid madaxbanaan oo arintaa xaqiijin karta.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka qeyb ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo ka howlgala gobolka Hiiraan waxaana ka mid ah meelaha ay ka howlgalaan magaalada Beledweyne iyo deegaannada kale ee ka baxsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]