4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka warbixiyay ujeeddada safar uu ku gaaray magaalada Xuddur


Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-   Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mukhtaar Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray gaaray magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Guddoomiye Mursal, ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada Xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musoobooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) Wasiirro , Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ,Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]