4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Yeytahay inuu bixiyo buugga caafimaad ee muranka dhaliyay?

Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Habka bixinta Buugga Caafimaadka iyo Talaalka la siiyo dadka dibadda u baxaya ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka taagnaa muran la xiriira cidda leh inay bixiso,iyadoo wasaaradda caafimaadka iyo maamulka gobolka Banaadir ay arrinta isku khilaafeen.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa shaacisay inay diyaarisay buugga, halka Waaxda Caafimaadka gobolka Banaadir ay  tallaabada mid la mid ah shaaciyay.

Agaasimihii hore ee Caafimaadka iyo cudurada faafa ee gobolka Banaadir Dr Cabdiraxmaan Cunaaye oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay muranka la xiriira Buugga caafimaadka iyo cidda leh sharciyada bixinta buugga.

"Marka nidaamka dowladnimo uu si sax ah ku socdo, dowladda hoose dhakhaatiir ma abuuran uma shaqeeyaan.. wasaaradda caafimaad waxay dadka ka caawisa meelaha u baahan caafimaada oo loo diro dhakhaatiirta taqaquska u leh." ayuu yiri Dr Cabdiraxmaan Cunaye.

" Anigu hadda kama hadlayo kaddib burburkii Soomaaliya ku dhacay, laakiin bari-samaadkii dhakhtarka dowladda hoose jooga ayaa saxiixa, laakin awaamiirta waxay ka timaadaa wasaaradda caafimaadka oo dhakhtarka ay keeneyso uu yahay nin taqaqus u leh waajibaadkana ka bixi kara." ayuu ku daray.

Arrimaha hadda taagan ayuu ku sheegay inay salka ku heyso dhaqaalaha " Ninka awaamiirta bixinaya oo ah ku-xigeenka maaliyadda ee gobolka, khaladka ugu weyn ee maamulka halkaa ayuu ka billowda, ku-xigeenka arrimaha bulshada ayaa ka hadli kara, marka waxay ku tuseysa in dhaqaalaha isha lagu hayo.. tan labaad travel agency oo tikid laga goosanayo taariikhda lama sheegin in wax laga talaalo, taas waxaa weye ma travel agency iyo dowladda hoose ayaa heshiis hoose leh meesha MCH baa jira oo ah wax caan ah oo laga dambeeyo adduunka oo dhan ay WHO usoo gudbiyaan wax kasta oo awaamiir ah talaalada marka socda iyo kuwa ku soo saa'iday ." ayuu yiri Dr Cunaye isagoo la hadlayay barnaamijka Hanoolaato.

Dr Cabdiraxmaan Cunaye, ayaa dhanka kale sheegay buugga caafimaadka iyo talaalka inay keenan hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ,iyada oo ay saxiixayso wasaaradda caafimaadka.

Muranka la xiriira buugga caafimaadka iyo talaalka ayaa ku soo aadday iyada oo la joogo waqtiga gudashada waajibaadka xajka oo ay sannadka walba ka baxaan gudaha dalka kumannaan xujey Soomaali ah oo u baahan in laga talaalo cudurada faafa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]