4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Al-shabaab oo todobaadkan oo kaliya 18 ruux toogasho u fulisay meel fagaaro ah

 

Isniin, July, 08, 2019 (HOL)- Xarrakada Al-shabaab ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay waxaa ay afar ruux ku toogteen meel fagaaro ah degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saddex ka mid ah dadkan la toogtay oo ay ku jirto gabadh ayaa labada ragga ah lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen ciidamada dawladda halka gabadhana lagu eedeeyey in ay u basaasaysay Kenya.

Qof afraad oo nin ah ayaa lagu dilay dhagax waxaana lagu eedeeyey inuu gaystay kufsi sida ay sheegeen warar dhinaca amniga ah iyo warbaahinta taageerta Al-shabaab.

Dilalkan ayaa ka dhigaya dadka ay todobaadkan oo kaliya toogteen Al-Shabab 18 iyaga oo badankooda ku eedeeyeey inay ahaayeen basaasiin.

Maxkamadaha Al-Shabaab ayaan qarreennu uu doodda u qaban dadka la soo eedeeyo waxaana lagu eedeeyaa in qiraalka ay bixiyaan dadkan ka hor inta aan toogashada lagu fulin yihiin kuwo ku yimaada cabsi galin iyo jirdil.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]