4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Wakiilka Qaramada Midoobay oo maanta booqday Garoowe ayaa wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Puntland


Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha  Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo, waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo.

"Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa...Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto." Ayuu yiri madaxweyne Puntland oo ka warbixiyey kulanka uu la qaatey wafdiga ka socday Qaramada Midoobey.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha  Puntland Soodhoweynta, Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wadashaqeynta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland.

Waa booqashadii ugu horreysay ee James Swan  uu ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, tan iyo markii loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]