4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2019
Baarlamaanka oo ansixiyay xeerka Saxaafadda

Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyay xeerka saxaafadda Soomaaliyeed, muddo ay ka dooddayeen xildhibaannada golaha shacabka.

139 Xildhibaan ayaa codka ogalaanshaha ee Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ,Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda.

Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.

Waa marki labaad ee ay baarlamaanka muddo saddex sano gudahood ah ku ansixiyaan sharci quseeya saxaafadda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]