4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2019
Dagaal xoog leh oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Ceel-Afweyn

 

Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-Ku dhowaad labaatan ruux ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen 24kii saacadood ee la soo dhaafay dagaal ka dhacay degaanno kala duwan oo ka tirsan degmada Ceel-af-weyn ee gobolka Sanaag.

Dagaalkan  ayaa maalinimadii shalay ka bilaabamay  Baalweyne oo u  dhow tuulada Dararweyne kadib markii kooxo dabley ah ay halkaasi isku  haleeleen, waxaana la sheegay in 10 qof ay ku dhinteen labada dhinac oo  dhamaantood dableydii ahayd, halka sodomeeyo qofna ay ku dhaawacmeen.

Sida ay HOL u xaqiijiyeen dad kaladuwan ayaa sheegayain dagaalkii uu dib uga bilaabmay degaano kala duwan iyadoo laysu adeegsanayo gaadiidka dagaalka, gurmad xooglihina uu labada dhinac u soo kordhayo.

Maxmuud Cumar oo ku sugan tuulada Kulaal oo ka tirsan degmada Xudun ayaa waxa uu sheegay in ay maqlayeen sanqadha rasaasta dhacayasa oo labada dhinac is dhaafsanayan, waxaanu intaas ku daray in dadka reer guuraga ah oo qaxayaa ay soo gaadheen.
\
Warar kutiri-kuteen ah ayaa sheegaya in qaar gaadiidka dagaalka ka tirsan la gubey, qaarna la kala qabsaday dhimashada iyo dhaawacuna ay aad uga badan yihiin kuwii shalay, waxaana la xaqiijinayaa in qasaaraha ugu badan uu ka dhacay tuulada Dararweyne.

Ma jiro wax dadaal ah oo hawshaa lagu doonayo in lagu joojiyo iyadoo la sheegayo ciidamo horey hawsha labada beelood u dhex joogi jirey aanay wax dhaqaaq ah samayn.
 
Walaaca weyn ee goobta ka taagan ayaa ah in ciidamo horey Somaliland uga goostay oo deganaa magaalada Qardho oo wata gaadiidka dagaalka ay saaka soo galeen dagaalka.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood